Somaliland: Wasiiro laga helay COVID-19

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa mar kale shaaciyey tirooyinkii ugu dambeeyey ee dadla laga helay xanuunka COVID-19, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Somaliland waxay sheegtay in 26 kiis oo cusub la diiwaangeliyey 24-kii saac ee u dambeeyey, taasi oo tirada guud ka dhigaysa 358.

Dhinaca kalena, laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa u xaqiijiyey Idaacadda VOA in laga helay cudurka COVID-19 kadib markii ay iska baadheen xanuunkaasi.

Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland: Wasiiro laga helay COVID-19