Caqabadaha haysta hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Islii

Islii

Hooyinka Soomaaliyeed ayaa meel kasta oo ay adduunka ka joogaan dhabarka u rita sidii ay u maarreyn lahaayeen nolasha qoysaskooda, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo markaasi ku heeran xilliyada ay Hooyooyinka Soomaaliyeed isku dayayaan inay soo saartaan nolal maalmeedka qoysaskooda islamarkaana uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka nolasha ee soo wajaha.

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Keya waxaa ay kamid tahay meelaha ugu badan ee Bariga Africa ee ay ku nool yihiin Hooyooyin Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya sidii ay maareyn lahaayeen nolasha qoysaskooda.

Waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo is biirsaday oo ay ka sheeganayaan Haweenka Soomaaliyeed ee ganacsiga yaryar ku haysta hareeraha Wadooyinka Xaafadda Islii.

Khadar Maxamuud Xareed oo la kulmay qaar kamid ah Haweenka ayaa warbixinta nooga soo diray magaalada Naiorbi.

Your browser doesn’t support HTML5

Caqabadaha haysta hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Islii