Ethiopia: Soomaali loo Doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia ayaa maanta guddoomiye u doortay Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa madaxweyne ku-xigeenka gobolka Ismaamulka Soomaalida.

Aadan Faarax ayaa noqonaya qof kii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee qabta jago sidaas u sarraysa.

Aqalka federaaalka Ethiopia oo ka kooban 153 xubnood ayaa laga soo xulaa qowmiyadaha iyo gobollada dalkaasi, Soomaaliduna waxa ay ku leedahay 6 xubnood oo matala gobolka Soomaalida.

Doorashadiisa ayaa ka dambaysay markii toddobaadkan ay is casishay guddoomiyihii aqalkaasi, Keira Ibraahim, oo ka biya diidneyd doorashada dib loo dhigay ee dalkaasi.