Dagaallo dhimasho badan oo ka dhacay Bardaale

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada degmada Bardaale ee gobolka Baay iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Dagaalladan ayaa waxaa inta la xaqiijiyey ku dhintay shan qof, ayada oo sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ah dhinacyadii dagaallada ay dhex-mareen.

Guddoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay qaadeen dagaalka. Dagaallada ayaa waxaa sidoo kale qeyb galay maleeshiyo deegaanka ah oo iskood isku abaabulay.

Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaallo dhimasho badan oo ka dhacay Bardaale