Mursal oo ka horyimid go'aanadii shirka Dhuusamareeb

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hor yimid go'aannadii dhawaan ka soo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada dalka.

Mursal ayaa si gaar ah u diiday qodobkii ku saabsanaa doorashada, oo madax goboleedyada ay ku sheegen inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Gudoomiye Mursal ayaa ka hadlayay fadhigii maanta ee Baarlamanka oo xildhibaannada ay uga doodayeen akhrinta labaad ee sharciga axsaabta - oo dib loogu soo celiyay golaha.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar ayaa warbixintan Muqdsiho kasoo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Mursal oo ka horyimid go'aanadii shirka Dhuusamareeb