Cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka waxbarasho ee DF iyo Puntland?

Sida ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku sheegtay war-saxafaadeed, waxaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ka qeyb-galay 35,000 oo arday, hase yeeshee 500 oo kaliya ayaa kasoo jeeday Puntland.

Arrintan ayaa waxaa ugu wacan ayada oo inta badan ardayda Puntland aysan ka qeyb-galin imtixaanka sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Wasaaradda ayaa ku dooday inay ayada qaado imtixaanada Puntland, haddii kale aysan ardayda Puntland heli doonin shahaado, taasi oo Puntland ay ku gacan seertay, ayada oo dalbatay in loo madax baneeyo imtixaanadeeda.

Khilaafkan ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa Mustaqbalka arday badan oo reer Puntland ah oo dalka anfici lahaa .

Haddaba cawaaqibka ka dhalan kara khilaafkan, ayaa Sahra Cabdi Axmed waxaa ka wareysatay Cabdullaahi Sheekh Aadan oo haysta Shahaadada PhD, ahna Cilmi Baare ka shaqeeya dalka Qatar.

Your browser doesn’t support HTML5

Cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka waxbarasho ee DF iyo Puntland?