Khasaaraha dagaal ka dhacay Deegaanka Bacaadweyne oo kordhay

Waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay dagaal shalay Al-Shabaab iyo dad shacab ah ku dhex maray tuulada Shabeellow oo ku dhow deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Ugu yaraan15 qof ayey gaartay tirada dadka ku geeriyooday dagaalkaasi, halka 8 qofna ay ku dhaawacmeen.

Haddaba, si aan xaaladda deegaankaasi wax uga ogaano ayuu wariyaha VOA ee gobollada dhexe, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq waxa uu khadka telfoonka kula xiriiray Gudoomiyaha Bacaadweyne Axmed Daahir Macalin Cabdullhi.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Gudoomiyaha Bacaadweyne