M/weyne Geelle oo soo dhoweeyey heshiiskii DFS iyo maamul goboleedyada

Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geelle ayaa shalay khudbad muuqaal ah oo horey loo sii duubay ka jeediyey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ku soo qaatay khudbaddiisa arrimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay inuu so dhoweynayo horumarka xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya ay ku talaabsatey baryahan dambe.

Wariyaheenna Djibouti Ramadaan Muuse ayaa inoo soo diray warbixintan.