France oo wafdi u dirtay dalalka Islaamka kadib hadalkii Macron

Jean-Yves Le Drian

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa booqanaya dalalka Masar iyo Morocco.

Wasiirka ayaa madaxda dalalkaas kala hadlaya caradii toddobaadyadii dhawaa ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha Faransiiska ee ahaa in Diinta Islaamka ay dhibaato haysato iyo waliba sawiraddii lagu aflagaadeeyey Nabi Maxamed NNKH ee uu daabacay wargeys dalkaas ku yaalla.

Macron ayaa goor dambe dabciyey hadalkiisa isaga oo sheegay in dowladdiisa aysan raali ka ahayn sawir gacmeedyada lagu muujinayo Nebiga NNKH.

Warbixintan waxaa Qaahira kasoo diray Xuseeen Saxnuuni.

Your browser doesn’t support HTML5

France oo wafdi u dirtay dalalka Islaamka kadib hadalkii Macron