Masar iyo Sudan oo sameeyey dhoola-tus militari

Afyaheenka Ciidamadda Qalabka Sida ee dalka Masar, Taamir al-Rufaaci ayaa Sabtidii sheegay in cutubyo ka tirsan ciidanka Masar ay gaareen dalka Sudan si ay uga qeyb qaataan dhoolatus militari oo Sudan ka dhacaya.

Dhoolatuskana ayaa la siiyey magaca “Gorgorkii 1-aad ee Wabiga Nile.”

Dhoolatuskan ayaa imanaya xilli uu jiro muran u dhexeeya Sudan, Masar iyo Ethiopia, oo salka ku haya biyo xireen ay Ethiopia ka dhisayso dalkeeda.

Dadaallo dhowr ah oo heshiisyo lagu dhex dhigayey dalalkan ayaa fashilmay, waxaana Ethiopia ay ku adkeysaneysaa inay buuxineyso biyo-xireenka taasi oo ay kasoo horjeedaan Masar iyo Sudan.

Faahfaahinta warkan waxaa magaalada Qaahira ka soo diray wariyaha VOA-da Xuseen Cusmana Saxnuuni.

Your browser doesn’t support HTML5

Masar iyo Sudan oo sameeyey dhoola-tus militari