Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasay Hargeysa

Aaska Cumar Carte

Allaha u naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ayaa si heer qaran ah maanta loogu aasay magaaladaas.

Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddii hore ee Soomaaliya, isagoo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda horraantii toddobaatameeyadii oo ay Soomaaliya ku biirtay ururkii Jaamacadda Carabta.

Waxaa loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

Warbixintan waxaa aaskiisa ka soo diray wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasay Hargeysa