Wareysiyo: Hirshabelle iyo Caqabadaha Heysta

Maamulka cusub ee Hirshabelle ayaa wajahaya caqabado uga imanaya dhinaca gobolka Hiiraan, taasoo ay jiraan diidmo lagala hor yimid maamulkaas. Waxaa socda dadaalo la doonayo in arrinta lagu xalliyo si uu gobolka booqasho ugu tago madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo horey looga hor istaagey inuu tago magaalada Beled-weyne.

Hadaba Falastiin Axmed Iiman ayaa arrimahaas ka wareysatey Wasiirkii hore ee waxbarashada ahna mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre. Ugu horeyna waxa ay weydiisey sida uu arko xiisadda ka taagan maamulka Hirshabelle.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi xildhibaan Goodax


Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaase gaashaanka u daruurey eedaha Xildhibaan Goodax, isagoo sheegay in caqabadda ugu weyn ee Hirshabelle heysata ay tahay helitaan la'aanta dib u heshiisiin rasmi ah. Ugu horeyna Falastiin Axmed Iiman ayaa weydiisey sida uu u arko muranka hadda ka taagan Hirshabelle.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle Cali Abdullahi Cosoble