Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaley ku dhawaaqdey in ay xiriirkii diplomaasiyadeed u jartey Kenya.
Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo wareysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in go'aanka ay gaadhay dawladda Soomaalia si ay uga jawaabto xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee Kenya ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirku.
Saacado kooban kahor intii uusan hadallkaasi soo bixin ayaa wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud waxa uu VOA-da u sheegey in dowlada Soomaaliya ay u aragto Kenya in ay ka soo horjeedo midnimada Soomaaliya isla markaana ay faragelin toos ah ku heyso arrimaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadley ashtako ay u gudbiyeen urur goboleedka IGAD oo ka dhan ah Kenya.
Wasiirka oo hakad ku ahaa garoonka diyaardaha ee magaalada Addis Ababa ayaa ugu horeyn waxa ay wariyaheena Falastiin Axmed Iiman weydiisey culeyska cusub ee Kenya ay mar kale uga cabanayaan.
Your browser doesn’t support HTML5