Yaa isku haya doorashda maanta ka dhaceysa Uganda?

Dadka Uganda ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta ee doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamanka ee dalkaas.

Madaxweynaha 76-jirka ah ee talada haya Yoweri Museveni, oo muddo 35 sanadood ah dalkaasi soo xukumayay, ayaa doonaya in shanta sano ee soo socota mar kale la doorto.

Murashixinta la baratameysa waxaa ugu cad-cad Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine oo 35 sano jir ah, kana tirsan baarlamanka dalkaas.

Ololihi doorashada ayaa waxaa hareeyay rabshado ka dhan murashixiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda. Saacado kahor inta dadku aaney u dareerin goobaha cod-bixinta waxaa hawada laga saaray khadka Internet-ka, gaar ahaan baraha bulshada.

Maxamed Colaad Xassan ayaa Khadka taleefonka ee Kampala kula xiriiray wariye Cilmi Cusmaan Faarax Boodhari, oo muddo ku noolaa Uganda wuxuuna wax ka weydiiyay jawiga dalkaasi ee maanta.

Your browser doesn’t support HTML5

Yaa isku haya doorashda maanta ka dhaceysa Uganda?