MUQDISHO —
Maanta oo ah 14-ka bisha Janaayo, waxay ku egtahay maalinta lagu waday inay dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida ku xusneyd jadwalkii 2-aad ee 29-kii December 2020, ay soo saareen guddiga doorashada Soomaaliya ee lagu muransan yahay.
Jadwalkaas ayaa dhigayay in doorashada Aqalka Sare ay dhacdo 7-14 Janaayo 2021. Waa markii 2-aad jadwal ay soo saaraan guddidan uu dhaqan-gali waayo.
Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho kasoo dirtay wariyaheenna Seynab Abuukar Maxamed.
Your browser doesn’t support HTML5