Shacabka Switzerland oo u codeeyey in la mamnuuco niqaabka

Dalka Swetzerland ayaa afti laga qaadey dadweynuha waxay u codeeyeen in la mamnuuco niqaabka ama indho shareerka ay dumarka muslimiinta ahi wajiga ku xirtaan.

Natiijada rasmiga ah ee aftidan ayey boqolkiiba 51.2% u codeeyeen mamnuucida halka 48.8% maya ku codeeyeen.

Qaar ka mid ah ururada u dooda xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa go’aanka aftidan ku tilmaamay culeys lagu beegsanayo gabdhaha muslimiinta ee nool dalkaasi.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxa magaalada London kasoo direy wariyaha VOA-da qaarada Yurub Cabbdixaafid Cawil Ismaaciil.

Your browser doesn’t support HTML5

Shacabka Switzerland oo u codeeyey in la mamnuuco niqaabka