KHARTOUM —
Dawladda Ethiopia ayaa iska diiday soo jeedin ka timid dalka Sudan oo ahayd in arrinta biyaha wabiga Nile ay ka wada xaajoodaan afarta dhinac ee QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalwadda Maraykanka.
Diidmada Ethiopia ayaa imaneysa xilli saddexda dal ee arrintan isku haya oo kala ah Ethiopia, Masar iyo Sudan ay ku guuleysan la’yihiin inay xal ka gaaraan muranka ka dhashay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile.
Haddaba faah-faahinta sida ay Ethiopia u dooneyso in biyaha wabiga Nile looga wada hadlo iyo xiisadda ka dhalan karta ayaa waxaa warbixintan ka soo diray wariyaha VOAda ee dalka Masar Xuseen Cusmaan Saxnuuni.
Your browser doesn’t support HTML5