Laamaha ammaanka ayaa sheegay inaanu jirin khasaare ka dhashay qarax goor dhaweyd ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay inay ka war heleen goobta qarax la dhigay, kaddiba ay xireen waddooyinka u dhow goobta.
Sida uu soo sheegayo waryaha VOA C/qaadir Okey, inta aysan goobta soo gaarin ciidanka booliska qeybtooda u tabababaran ka hortagga qaraxyada ayuu bomkan iskiis u qaraxay.
Qaraxan ayaa ka dhacay Degmada Waabari meel ku dhow ee Number Afar ee magaaladda Muqdisho.