Kenya: Soomaalida oo ka walaacsan go'aanka dowladda

Fred Matiang’i

Kumanaanka Qaxootiga Soomaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ee dalka Kenya ayaa ka walaacsan go’aankii ay dowladda Kenya ku sheegtay inay ku xiri doonto xeryahaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa 24-kii March sheegay inuu ku wargeliyey Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCRF inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku keento qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee ku yaal Kenya.

Dhanka kalena Dowladda Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay go’aanka Dowladda Kenya iyadoo sidoo kale sheegtay in Kenya ay ka aar goosanayso dadka qaxootiga ah.

Warbixintan waxaa magaalada Nairobi ka soo diray wariyaha VOAda Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Kenya: Soomaalida oo ka walaacsan go'aanka dowladda