Golaha shacabka oo yeeshay kulan uu muran badan hareeyey

Baarlamanka

Fadhigii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa maanta furmay, iyadoo xubnaha baarlamaanku ay warbixin ka dhagaysteen wasiirka Caafimadka Fowsiya Abuukar Nuur.

Qodobada kale ee looga hadlay kulanka maanta ayaa la sheegay inay ka mid yihiin ansixinta xubno ka dhiman Guddiga Federaalka iyo Xuduudaha; iyo ansixinta Sharciga Qaxootiga.

Shirkan ayaa dhacaya iyadoo ciidamo la dhigay waddooyin ka tirsan magaalada. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo dhowaan laga joojiyey ka qaybgalka ilaa shan kulan oo kuwa baarlamaanka ah ayaa iyaguna mar kale sheegay in laga hor-istaagay tegitaanka kulankii maanta.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa kulankii maanta ka wareysatay weriyaha VOA ee Muqdisho Saynab Abuukar.

Your browser doesn’t support HTML5

Golaha shacabka oo yeeshay kulan uu muran badan hareeyey