Abaaro iyo Xanuuno ka Jira Jubooyinka

Jubaland, Somalia

Biyo la'aan daran ayaa laga soo sheegay dhulka miyiga ah ee nawaaxiga Dagmada Afmadoow ee Gobolka Jubada Hoose xili dagmadaasi ay buuxdhaafiyeen xoolihii kasoo hayaamay Gobolada Gedo iyo Jubada Dhexe.
Waxaana cisbitaalka Dagmada afmadoow la gaarsiiyay caruur ay soo riteen cudurada shuban biyoodka iyo Jadeecada.

Wariyaha VOA ee Magaalada Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa arrimahan ka wareystay Gudoomiyaha Dagmada Afmadoow Maxamed Aamiin Cabdullaahi.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Degmada Afmadow