Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay iska caabiyeen weerarro ay saacadihii hore ee saaka kusoo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab saldhigyada ciidamada ee magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Weerarradan ayaa la sheegay inay iskugu jireen qaraxyo iyo weerar ay gaysteen maleeshiyaadka.
Haddaba, sida ay wax u dhaceen ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii.
Your browser doesn’t support HTML5