Rooble oo xilalka u kala beddelay laba wasiir

Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn kooban oo saameysay laba wasaaradood ku sameeyey golaha wasiirada.

Rooble ayaa xilka u kala bedeelay wasiirkii gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada. Lama shaacin sababta loo sameeyey isbeddelkan.

Faah-faahinta warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Rooble oo xilalka u kala beddelay laba wasiir