Biden oo aad u kordhiyey tirada qaxootiga la keenayo Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu Afar-jibbaari doono tirada qaxootiga uu sannadkan Maraykanku aqbali doono in la keeno dalka.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa si weyn u dhimay dadka qaxootiga ah ee Maraykanku dib u dejinta u sameeyo, oo sanadkii ugu dambeeyey ahaa kaliya 15,000.

Madaxweyne Biden ayaa haatan sheegay inuu wax ka beddelayo arrintaas, isaga oo gaarsiin doona illaa 62,000 oo qof.

Faah-faahinta warbixin uu inoo diyaariyey Steve Herman waxaa inoo soo koobaya Xuseen Barre.

Your browser doesn’t support HTML5

Biden oo aad u kordhiyey qaxootiga la keenayo Mareykanka