Qoyska: Haweenka Gobolka W. Bari oo ku Soo Badanaya Siyaasadda

Barnaamijka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti iigu ah Khadra Iimaan Sigad oo ka tirsan baarlamaan goboleedka Garrissa County.

Khadro waxay ka mid tahay 17 gabdhood oo ku jira baarlamaan goboleedkaasi. Waxa ay barnaamijka Qoyska uga warrantay halgalkanka adag ee ay u soo gashay ka mid noqoshada baarlamaanka.

Waxay sidoo kale ka sheekeyneysaa doorka haweenka ee siyaasadda gobolka, kursiga ay ku fadhido iyo waxa uu uga dhigan yahay dumarka ku dhaqan gobolka, halganka ay gabdhaha gobolka ugu jiraan in ay kuraas badan ku yeeshaan baarlamaanka dalka Kenya, iyo arrimo kale.

Dhageyso barnaamijka oo ay soo diyaarisay Caasho Ibrahim Aden "Caashocuud)

Your browser doesn’t support HTML5

Haweenka G. W. Bari Kenya oo Ku Soo Badanaya Siyaasadda