Qarax lala Beegsaday Kolonyo uu la Socday Wasiirka Amniga Puntland

Cabdisamad Maxamed Gallan

Qarax miinada dhulka la geliyo ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta waxaa lala eegtay gaadiid kolonyo ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Mas’uuliyiinta la socday kolonyada weerarka lala eegtay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan, Taliyaha Ciidamdda Daraawiishta Puntland Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay u dhowdahay magaaladda Balli-dhidin, waxaana wararka laga helayo halkaasi ay sheegayaan in hal askari uu ku dhintay qaraxaas halka labo kalena uu dhaawac soo gaaray. Askarta dhaawacantay ayaa la geeyay isbataalka gegmada Balli-dhidin.

Mas’uuliyiintii la socday kolanyada gaadiidka ah ayaa ka badbaaday weerarka, mana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay qaraxa lala beegsaday.

Waftigan ayaa waxa ay booqasho ugu socdeen deegaanno ka tisan gobolka Bari.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

Haddaba, faahfaahinta qaraxa ayay wariyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac ka wareysatay wasiirka amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiir Gallan