Ardaygii lagu dhex dilay Jaamacadda Camuud oo maanta la aasayo

Borama

Magaalada Borame ee gobolka Awdal waxaa manta la filayaa in lagu aaso arday ka tirsanaa Jaamacadda Camuud oo askari uu ku dhex-dilay gudaha jaamacaddaas.

Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Tiimbaro ayaa la kulmay ehelada ardaygaasi, isagoo sheegay in aas weyn loo sameyn doono ardaygaas.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in dilka ardaygaasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin waxbarashadii Jaamacadda Camuud iyo waliba sumcaddii magaalad Borame ay lahayd.

Haashim Sheekh Cumar Goth ayaa warbixntan ka soo diray Borama.

Your browser doesn’t support HTML5

Ardaygii lagu dhex dilay Jaamacadda Camuud oo maanta la aasayo