Hannaanka garsoorka Soomaaliya ayaa u shaqeeya sidii uu ahaa markii uu jiray nidaamkii hore ee dowladdii militariga ahayd, iyada oo xilligan uu waddanku federaal yahay, waxaana ka jira caqabado dhinaca garsoorka ah.
Caqabadahaas waxaa ugu waaweyn maqnaashiyaha maxkamaddii dastuurka oo xilligan muhiim u ah Soomaaliya, maadaama doorasho la' aadayo iyo golaha adeegga garsoorka oo aan shaqeyn.
Haddaba maxaa hortaagan in Soomaaliya ay yeelato nidaam cadaaladeed oo la jaan-qaada hannaanka Federaalka ah ee dalka ka jira?
Wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa ka wareystay wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxa uu ugu horreyn weydiiyay xaalladda cadaaladda waddanka iyo hannaanka garsoorka.
Your browser doesn’t support HTML5