Qatar oo markii ugu horreysay qabaneysa doorashada Golaha Sharci-dejinta

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka ugu hodansan caalamka ayaa markii ugu horraysay taariikhda dalkaasi lagu qaban doonaa doorashada golaha sharcidejinta, waxaana dalkaasi ka dhacay todobaadkan dibadbaxyo looga soo horjeedo qaabka loo xulanayo musharaxiinta.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee boqortooyooyinka ah, isla markaana ay ku yaryihiin dabad-baxyadu.

Haddaba maxay doorashadan uga dhigantahay mustaqbalka dalkaasi? Xuseen Barre ayaa arrintan ka waraystay Cabdiraxmaan Cali oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe, kuna sugan gobolka Virginia ee dalkan Maraykanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Qadar oo markii ugu horreysay qabaneysa doorashada Golaha Sharci-dejinta