Tirada kiisaska xanuunka COVID-19 ee qaaradda Yurub oo korortay

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digay in ay 236,000 oo qof u dhiman karaan xanuunka COVID-19 ee dalalka Yurub ilaa kowda bisha December, iyada oo dadka xanuunka qaadayaa ay sii badanayaan, isla markaana ay hoos u dhacday qaadashada tallaalka.

Guud ahaan waddamada Yurub waxaa kordhay dadka uu soo ridanayo xanuunka nooca Delta oo ka halis badan noocyadii hore ee COVID-19, gaar ahaan dadka aan wali qaadan tallaalka.

Warbixin amuurtaas ku saabsan waxa magaalada London inooga soo diray Wariyaha VOA-da ee qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

Your browser doesn’t support HTML5

Tirada kiisaska xanuunka COVID-19 ee qaqaradda Yurub oo korortay