Musharaxiinta Aqalka Sare oo khudbado u jeediyey baarlamanka HirShabeelle

HirShabeelle

Ku dhowaad 30 musharrax oo u tartamaya siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee kasoo gala maamul goboleedka HirShabelle ayaa maanta khudbado ka hor jeediyey baarlamaanka maamulkaas.

Maamulka HirShabeelle ayaa soo saaray liis ay kuraasta qaarkood ay u tartamayaan illaa lix musharax, taasi oo ka duwan maamullada kale oo badankood kuraasta u xiray kaliya laba musharax.

Doorashada Aqalka Saree e HirShabeelle ayaa dhacaysa Talaadada berri ah. Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Musharaxiinta Aqalka Sare oo khudbado u jeediyey baarlamanka HirShabeelle