Fallanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay hadalka Mareykanka ee ku aadan Danab?

Danab

Sarkaal u hadlay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Mareykanka uu dib u eegayo taageerada ay bixiyaan kadib markii ay soo baxday in ciidamada Danab oo ay Maraykanku siiyaan tababar iyo taageero ay ka qaybgaleen colaadii ka dhacday magaalada Guriceel.

Sarkaalkaasi u hadlay safaaradda Maraykanka ayaa VOA u sheegay in Maraykanku uu ka war hayo wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ka qaybgaleen dagaalka Galmudug, ayna arkeen wararka warbaahintu tebisay ee sheegaya in taliye Cabdiladiif Fayfle iyo xubno kale oo ka tirsan Danab ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay dagaalka.

Haddaba Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo ahaa taliyihii hore ee Danab ayaa ka hadlay sida uu arko warka safaaradda Mareykanka iyo ku lug lahaanshaha ciidamada Dana bee dagaalka Guriceel.

Your browser doesn’t support HTML5

Fallanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay hadalka Mareykanka ee ku aadan Danab?