Magaalada Glasgow ee xarunta mandaqada Scotland ee dalka UK waxaa Isniintii si rasmi ah uga furmay Shirka Cimilada Adduunka.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyey ku sheegay in xaaladda isbeddelka cimilada ay halkii ugu xumeyd mareyso, waxaana uu ku matalay bam la fili karo in uu qarxo taas oo kow u noqon doonta dhammaadka adduunka haddii aan caalmaku si dhakhso ah wax uga qaban.
Boris ayaa u sheegay madaxda iyo waftida kulanka kasoo qayb gashay in xaaladu cakiran tahay isbeddelka cimiladuna aanu ahayn khiyaali ee uu yahay khatar dhan ah oo jirta.
Warbixin gaar ah oo ku saabsan amuurtan waxaa magaalada London nooga soo direy wariyaha VOA-da qaarada Yurub Cabdixafid Cawil Ismaaciil.
Your browser doesn’t support HTML5