MUQDISHO —
Waxaa xalay magaalada Muqdisho, gaar ahaa Golaha murtida iyo madadaalada lagu daawaday film-kii Soomaaliyeed ee aadka usoo jiitay dad badan oo caalamka ku nool, kuna guuleystay abaal-marinada ee Xaaskii Xabaal Qodaha.
Dad badan oo ku nool caasimadda Soomaaliya ayaa aad ula dhacay, waxaana kamid ah dadka daawaday dhallinyaro iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.
Film-kaan ayaa noqday kii labaad oo 30 sano kadib laga shido gudaha titaarka qaranka Soomaaliya.
Dadka daawaday film-ka xaaskii Xabaal Qodaha xalay waxaa kamid ahaa weriyaha VOA-da Muqdisho Cabdicasiis Barrow warbixintaan ayuuna kasoo diray Muqdisho.
Your browser doesn’t support HTML5