MOGADISHU —
Magaalada Muqdishu waxaa ka furmay maanta shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qaybgalayaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirkan guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaan iyo jaangoynta xilliga lasoo gabagabaynayo, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay baraha bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Shirkan ayaa imanaya iyadoo muran siyaasadeed uu dhexeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan inooga soo diray Muqdishu.
Your browser doesn’t support HTML5