Shan qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Ismaamulka Gaarisa

Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalena dhawac culus ayaa ka soo gaaray qarax maanta lala beegsaday baabuur ay wateen rag qandarasleyda ah, duleedka magalada Masalani ee Ismamulka Garissa ee dalka Kenya.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay raggani saaraayeen, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo la hadlay VOA. Ma cadda cidda ka dambaysay qaraxaas, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dablay hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan kasoo diray Gaarisa.

Your browser doesn’t support HTML5

Shan qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Gaarisa