Waxaa magaalada jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta amniga deegaanka Soomaalida iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, kaas oo looga hadlayay sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga iyo xasilloonida xudduudaha ay wadaagaan.
Shirkan ayaa sidoo kalana lagu heshiisiinayay laba beelood oo wada dega xudduduuda labada deegaan oo horay colaadi u dhex martay.
Warbixintan waxaa Jigjiga kasoo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.
Your browser doesn’t support HTML5