Guddiga doorashada FEIT oo bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo

Guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle Yuusuf oo shahaada guddoonsiinayaa xildhibaabnkii ugu horreeyay, Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)

Guddiga Doorashada Heer Federal ee FEIT ayaa Sabtida maanta ah bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo ee xubnaha Baarlamaanka 11-aad Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaankii ugu horreeyay ee qaata shahaada uu noqday Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), sida uu goor dhaweyd shaaciyay guddigu.

Guddiga doorashada ayaa shalay ku dhaaway liiska xildhibaannada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, iyaga oo xildhibaannada ugu baaqay inay qaatay shahaada, si loo dhammeystiro jadwalka doorashada.

Halkan ka dhageyso warbixin uu wariyeheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ka soo diray muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Guddiga FEIT oo bilaabay bixinta shahaadooyinka xildhibaanada cusub

Dhankiisa, Ra'isul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay shaacinta liiska xildhibaannada, isaga oo guddiga doorashada heer Federaal 'ku adkeynayay in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah', sida uu ku yiri war qoraal ah oo uu saaray.

Kuraasta ilaa 30 xildhibaan ayaa weli ka dhimman dhammeystir Golaha Shacabka, kuwaas oo ay ku jiraan kuraasta deegaan doorashadu tahay Garabahaarey oo weli muran xooggani ka taagan yahay.