Farmaajo iyo Rooble oo mar kale soo saaray amarro is-diiddan
Farmaajo Rooble
Muqdisho —
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xeer uu soo saaray ku baabi'iyay magaacis iyo shaqa joojin lagu sameeyay agaasimayaal ka tirsan hay'adaha dowladda, waxaana faafin kasoo baxday Villa Soomaaliya lagu sheegay in wixii tilaaba ah ee laga qaaday wixii ka dambeeyay 14kii Abriil ay waxba kama jiraan yihiin.