Mudaharaado xooggan oo looga soo horjeedo militariga Sudan oo dalkaas ka socda

Rabshadaha ka socda Sudan

Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa ka socda dalka Sudaan tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore. Ciidamada ammaanka ee Suudaan ayaa dilay hal qof maalintii Sabtida intii ay socdeen mudaaharaadyada soo cusboonaaday oo looga soo horjeeday militariga oo la wareegay talada dalka kaasoo ka dhacay magaalada Omdurman.

Tirada dadka ku dhintay mudaaharaadyadaasi ayaa gaareysa 96 qof sida ay tabisay wakaaladda wararka ee AFP iyadoo ku dhowaad 100 qofna lagu dhaawacay mudaaharaad dhacay maalintii Khamiista.

Haddaba, Caasho Ibrahim Aden ayaa khadka taleefaka ee magaalada Khartuum kula xiriirtay Cabdiraxmaan Isaaq Shangax oo ah arday wax ka barta magaalada Khartuum, ugu horrena waxa ay weydiisyay rabshdaha ka socda dalka Sudan heerka ay gaarsiisan yihiin.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda Cakiran ee Sudan