Warbixin iyo wareysi ku saabsan weerarka hotel Xayaat

SOMALIA-SECURITY/

Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay weerar ay fiidnimadii Jimcaha maleeshiyada Al-Shabaab ku gashay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka oo wali ka socda gudaha hotelka.

Haddaba wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda hoteelka ay wali ka dhex dagaalamayaan maleyshiyada Al-Shabaab ayuu Ibraahim Daandurey ka wareystay wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Waa sidee xaaladda hotel Xayaat ee ay Al-Shabaab weerartay?

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyay weerark hotelka ayaa la dhakafaarsan wixii dhacay.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab oo jooga Washington ayaa khadka telefoonka ee magaalada Muqdisho ku waraystay, Dr Cabdinaasir Maxamed Geeddi oo ka mid ahaa dadkii kasoo badbaaday weerarkii hotelka.

Wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida xaalku ahaa xalay markii uu weerark bilowday?

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka Hotel Hayat

Haddaba, Maxamed Colaad Xassan oo la xiriiray dhinacyo kala duwan ayaa isna warbixintan nooga diyaariyey weerarka Al-Shabaab ku qaadday hotel Xayaat.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta oo faahfaahsan