Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Beledweyne

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ujeedada safarka Ra'isul Wasaaraha ayaa sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa wuxuu ku saabsan yahay ' u kuurgaludda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada."

Ciidmada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay howgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday gobolka Hiiraan, iyaga oo magaalooyin dhowr ah ka saaray maleeshiyada Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidamada dowlada sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa hore u booqday qaar ka mid ah degaanadii ay ciidamada dowladda ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab ee Gobalka Hiiraan.

Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan kasoo diray Beledweyne.

Your browser doesn’t support HTML5

Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Beledweyne