Tallaabooyinka la qaadayo, ka dib geerida Boqoradda Elizabeth II

Britain Queen Elizabeth II

Boqoradii dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ahayd boqoradii ugu taariikhda dheereyd taariikhda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhimatey Qasriga Balmoral oo ku yaala Mandaqada Scotland ee Boqortooyada Ingiriiska, Boqoradu waxay ahayd 96 jir, 70 sannadood oo ka mid ah cimrigeeda waxay ahayd boqorad. Qoyskeeda ayaa ku sugan qasriga ay ku lahayd magaalada Balmoral oo ku yaalla Mandaqada Scotland.

Boqorada waxa la caleemo saarey oo taajka loo xidhay sannadkii 1952kii, munaasabdii caleemo saarka ee waagaas waxay wax badan ka bedeshay qaab dhismeedka bulshada Britain iyo wadamada ay madaxda u ahayd. Wiilkeeda curad Ameer Charles ayaa loo caleemo saarayaa Boqortooyada Britain. barxadda kasoo horjeeda dhismaha Qasriga Buckingham waxa ku suggan dad badan oo isugu jira bulshada Britain iyo dalxiisayaal.

Boqoradda ayaa la soo shaqaysay illaa 15 ra'iisal wasaare, laba maalmood ka hor, waxaa boqoradda geeriyootay ay xilka u kala wareejisay, ra'iisal wasaarihii hore ee UK Boris Johnson iyo ra'iisal wasaaraha cusub Liz Truiss.

Waxyaabaha dhacaya kaddib dhimashadii Boqorada Ingiriiska:

Xoghayaha gaarka ah ee Boqorada ayaa dhimashadeeda ku dhawaaqay, si rasmi ayaa loola socodsiiyey warbaahinta iyada oo loola wadaagay qaab ogeysiis ah oo la marsiiyey wakaaladda wararka ee PA iyo BBCda, nidaamkan oo ogeysiis Radio ah waxa loo yaqaanaa RATS.

Qasriga Buckingham hortiisa waxa lagu xardhi doonaa ogaysiiska dhimashada boqoradda, waxaana lagu daaabacay mareegta qasriga, iyada oo la isugu yeedhi doono Baarlamanka dalka Britain.

Meydka Boqoradda waxa maalmo gudahood lagu soo qaadi doonaa baabuur gaar ah, waxaana la keeni doonaa Qasriga Buckingham Palace.

Maalin kaddib dhimashada Boqoradda, golaha guddida Boqortooyada ayaa ku kulmi doona Qasriga St James's Palace waxaanay ku dhawaaqi doonaan boqorka cusub.

Maalinta ay dhimatay boqoraddu waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah, siddoo kale maalinta la caleemo saarayo Ameer Charles waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah.

Waxa hoos loo dhigay dhamaan calamada Boqortooyada Britain iyo afarta mandaqadood ee Boqortooyada Ingiriiska.

Abdihafid Awil Ismail Weriyaha VOA ee Qaarada Yurub