400 oo arday oo u fariistay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation

Arday

Afar boqol ardey oo ka mid ah ardeyda sanadkaan ka baxay dugsiyadda sare ee dalka ayaa maanta u fariistay imtixaanka deeqda waxbarasho ee hay’adda Hormuud Salaam Foundation ee sanadlaha ah.

Ardaydan ayaa waxaa laga xulan doonaa 45-ka arday ee ugu buundo sarreya. Imtixaanka waxaa dejiyay oo saxaya macallimiin Hormuud ka madax-banaan.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa VOA ugu warramay deeqdaan waxbarasho iyo jaamacaddaha ay ardeyda wax ku baranayaan.

Your browser doesn’t support HTML5

400 oo arday oo u fariistay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation