Shirweynaha wadatashiga bulshada oo ka furmaya Jigjiga

jigjiga

Magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida waxaa dhawaan ka furmi doona shirweynaha wadatashiga bulshada deegaanka.

Shirkaas ayaa waxaa ka qaybgali doona ergooyin kala duwan oo ka kala socda asxaabta siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanka, odayaal dhaqameedka, dawladda iyo qurba joogta.

Ujeedka shirka ayaa ah in wadatashi laga sameeyo mabaadi’ guud oo la isku raacsan yahay oo dan u ah bulshada deegaanka.

Dr. Nuur Cabdi Guudle waxa uu kamid yahay guddiga qaban qaabada shirweynahan, waxaana uu wariyaha VOA ee magaalada Jigjiga Maxamed Cabdiraxman Ugaas Gaataa uga warramay shirkan.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirweynaha wadatashiga bulshada oo ka furmaya Jigjiga