Dowladda Soomaaliya oo digniin adag siisay ganacsatada

Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta digniin adag u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed oo ku aadan la macaamilka Al-Shabaab.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid ayaa sheegay in ganacsidihii la macaamila kooxdaasi lagala laaban doono ruqsadda ganacsiga.

Dhanka kale, dowaldda ayaa sheegtay in ay la wareegtay deegaanka Xawaaleey oo 30 km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay ganacsatada