Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo dhoweeyey xulka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo da’doodu ka yar tahay 17 sano kuwaasi oo maalintii Sabtidii ku guulaystay koobka Bariga iyo bartamaha ee ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 17-ka sano.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo madaxtooyada kusoo dhoweeyey, ayaa u hambalyeeyey kooxdaas khudbad uu u jeediyey.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Your browser doesn’t support HTML5