Iran: 'ISIS oo sheegatay weerar lagu dilay 15 qof, 40 kalena lagu dhaawacay"

A bullet hole is seen in a shattered glass panel of the Shah Cheragh shrine in the southern city of Shiraz, Iran, Oct. 26, 2022, after gunmen attacked the Shiite holy site. (Iranian Students' News Agency, ISNA, via AP)

Dalka Iran, dablay hubaysan ayaa waxay rasaas ku fureen dadweyne ku sugan goob ay shiicadu ka barakaysato, waxayna halkaas ku dileen illaa 15 qof, halka ay dhaawaceen 40 qof oo kale, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay goobta ay shiicadu ka barakaysato ee Shah Cheragh oo ku taalla magaalada Shiraz.

Warbaahinta dawladda ayaa dhacdadan ku tilmaamntay inay tahay weerar argagixiso, waxayna sheegtay in la ka mida dadka loo tuhmayo weerarkan in la soo xidhay.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Iran ay maalintii 40aad ka socdaan mudaharaado looga soo horjeedo xukuumadda dalka Iran, kuwaas oo ka dhashay gabadh yar oo ay ciidamada anshaxa ee caasimadda Tehran ay xidheen, ka dibna ku dhex geeriyootay xabsiga.