Deegaamada dhulka dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ka bilawday roobabka xilliga dayrta, kuwaas oo ku soo beegmay xilli ay dadka iyo duunyaduba aad ugu baahnaayeen, maadaama ay jiraan abaaro aad u darani.
Wasiirka xafiiska maaraynta khataraha iyo masiibooyinka ee dawlad deegaanka Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahin ayaa dadka ku boorriyey in ay ka faa’ideystaan raxmadda Alle, balse dhanka kale uga digay halista ka iman karto fatahaado ay suuragal tahay in ay sameeyaan wabiyada iyo togaggu.
Wasiirka ayaa arrimahani uga warramay, wariyaha VOA-da ee Jigjiga, Maxamed Cabdiraxman Gaataa.
Your browser doesn’t support HTML5