Galmudug oo sheegtay inay soo badbaadisay kalleemeysato ajaanib ah 

Mas’uuliyiinta magaalada Hobyo ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran oo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya.

Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta amniga inay horey u qabteen Al-Shabaab kadibna ay soo daayeen. Dadkan ayaa laga qabtay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Xaradheere xalay.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacangelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur.

Haaruun Macruuf ayaa xaaladda dadkan ka waraystay Siciid Cismana Warsame oo ah xiriiriyaha booliiska badda ee Galmudug, kana mid ahaa saraakiisha soo badbaadiyey dadkan.

Your browser doesn’t support HTML5

Galmudug oo soo badbaadisay 20 ajinabi ah.mp3